Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari, ayaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo u dhexeeya labada dal.
Heshiiskan ay labada Wasiir kala saxiixdeen ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida labada dal ee walaalaha ah, isla markaana lagu tayeynayo awoodda hay’adaha amniga.
Wasiirka Amniga XFS Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kamid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalka Ciraaq uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta.
Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq , ayaa sidaan oo kale u kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan, waxa ayna Ciraaq kasoo kabatay colaad argagsxiso, Soomaaliyana waxa ay u baahan tahay in ay casharo ka barato.