Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney Garsoore ah oo lagu dacweeyay fal ay sameysay xilli ay dacwad dhageysi socotay

Haweeney garsoore ka ah maxkamad kutaala magaalada Malindi ee dalka Kenya ayaa lagu soo oogay dacwad la xariirta fal ay ku kacday xili ay socotay dhageysiga dacwad loo heesto ruux eedeesane ah oo Maxkamad lasoo taagay .

Garsoore Dr Julie Oseko ayaa loo heestaa in ay ku mashquushay telfoonkeeda gacanta gaar ahaan ay isticmaaleysay Internetka xili Maxkamada ay garsooraha ka tahay ka socotay dhageysiga dacwad la qaadayay.

Waaxda caddaaladda dalka Kenya ayaa loo gudbiyay dacwad cabasho ah oo ka dhan ah Julie Oseko, waxaana lagu eedeeyay iyada oo dhageysiga dacwada socoto ku mashquushay telfoonkeeda sidoo kale banaanka ula baxday si ay ula hadasho qof soo wacay.

Haweeneydan garsooraha ayaa wajihi karta talaabo dhinaca anshaxa ah hadii lagu helo dacwadaha lagu soo oogay, waxaana haweeneydan loo heestaa in ay dayacaad sameysay xili dhageysiga dacwad ay maxkamada meel dhaxe mareysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Garowe: Dhalinyaro aroos ka soo laabatay oo shil lama filaan ah ku geeriyootay

Caydiid Ali

Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraat ah oo lagu xayiray Garoonka Boosaaso

Cabdi Cade

Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---