Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Golaha deegaanka Jowhar ammarna siiyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha iyo dowladdaha hoose, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe, guddoomiyaha degmada Jowhar iyo dhammaan xubnaha golaha deegaanka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhageystay warbixinta golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar oo isugu jirtay wixii u qabsoomay muddada kooban ay shaqeenayeen iyo caqabadaha ku hor-gudban.

“Degmada Jowhar inay yeelato gole deegaan muhiimad gaar ah ayay ii laheyd waxaan rajeynayaa inaad wax badan beddeshaan. Dhammaan qoddobadii aan ka wada haddalnay waa ay dhaqan-galayaan.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa amray golaha deegaanka ee degmada Jowhar inay qabtaan tartan nadaafaddeed oo lagu tartansiinayo waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan Boliiska Gaarka ah ee Ozil Harakat oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Toogasho ka dhacday agagaarka xarunta Shirkadda Youtube ee gobolka California (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

“Sawirro” Ciidamo huwan ah oo la wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji iyo Axmed Madoobe oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---