Qunsulkii Sacuudiga oo ka baxsaday Istanbul & Booliska Turkiga oo caawa galay hoygiisa

War goor dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Booliska iyo dembi baarayaasha Turkiga ay caawa galeen Guriga Qunsulka Sacuudiga ee magaalada Istanbul, iyagoo sii wada baaritaan ku saabsan kiiska saxafigii la waayey ee Jamal Khashoqgi.

Guriga uu degan yahay Qunsulka Mohamed Alcuteybi oo dhow Qunsuliyadda ayaa  si weyn loo aaminsan yahay in lagu dhex aasay jirka saxafiga Jamal Kashoqgi wax yar ka dib markii lagu lagu dhex dilay Qunsuliyadda 2-dii bishan Oktoobar.

Wararka ayaa sheegaya in Qunsulka Sacuudiga ee magaalada Istanbuul Mohamed Alcuteybi uu ka dhoofay dalka Turkiga, isagoo u duulay magaalada Riyadh, wax yar ka hor intii aanay Boolisku bilaabin baaritaanka Guriga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay inaysan wax gacan ah ka helin Sacuudiga, wuxuuna xusay in qunsuliyadu aysan aheyn meel dadka su’aalo lagu weydiiyo.

Booliska Turkiga ayaa xalay galay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, halkaasoo ay baarayeen muddo sagaal saacadood ah, waxayna sheegeen iney ka heleen cadeymo fara badan oo sii xoojinaya in suxufiga halkaas lagu dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -