Maraykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku laayey 60 ka tirsan Al-Shabaab

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo 12kii bishan ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Saraakiisha Maraykanka ayaa Wakaalada Wararka ee AP u sheegay in duqeyntaas lagu dilay qiyaastii 60 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib qiimeyn iyo dabagal ay ku sameeyeen khasaaraha Weerarkaas.

Duqeynta ayey sheegeen iney ka dhacday meel 20km u jirta degmada Xarardheere ka dib markii dayuuradaha keligood iswada ee Maraykanka ay dhowr gantaal la heleen goob ay kulansanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in dagaalyahanada lagu dilay weerarkaas ay ku jireen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo dhinaca kale xusay ineysan jirin khasaare dad rayid ah soo gaaray.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu dhimashada badneyd sanadkan ee Maraykanku sheegto inuu Al-Shabaab la beegsaday.

Duqeyn dhacday bishii November ee sanadkii 2017 ayaa lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab sida Mareykanka ay sheegeen inkastoo Al-shabaab ay beenisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -