Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo lagu gubay gaadiid milateri oo ka dhacay gudaha dalka Kenya

Laba qarax oo loo adeegsaday miino jidka lagu aasay ayaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Milateriga Kenya oo marayey magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxyada ayaa qabsaday laba gaari oo noocooda ahaa kuwa ciidamada qaada, waxayna marayeen xiliga ay qaraxyadu qabsanayeen inta u dhaxaysa degaannada Carabiya iyo Finow.

Wararka ayaa sheegaya in kolonyada Millatariga Kenya ay ka soo baxeen Mandheera kuna sii jeedeen dhanka magaalada Ceelwaaq ee gobolkan Gedo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan waxayna tilmaameen inay ku gubeen laba gaari, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac gaarsiyeen ciidamada Kenya.

Ma jiraan warar banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan, saraakiisha ciidamada Kenyana weli wax war ah kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo Shuruud adag mar kale ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Cabdi Cade

Turkiga oo kordhiyey xannibaadda uu saaray diyaaradaha Ruushka ee isticmaala hawadeeda

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la sheegay in lacago laaluush ah siiso booliiska Kenya si ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---