Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo dib ula wareegtay deegaannadii ay ka baxeen ciidanka dowladda

Dagaalyahannada Al Shabaab oo si weyn loogu jabiyay dagaallo bilo kahor ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa hadda si fudud kula wareegay deegaannadii dagaalka xooggan looga saaray.

Al Shabaab ayaa wararku sheegayaan in ay ku laabteen lana wareegeen deegaannada Caad, Camaara ,Bacaadweyn iyo Shabeelow, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay isaga baxeen ciidankii dowladda ee ku sugnaa.

Dadka tira yar ee horey ugu haray deegaannadan Al Shabaab dib ula wareegeen ayaa waxaa lasoo darsay xaalad cabsi ah, lamana oga ilaa hadda xaalada dhabta ah ay ku sugan yihiin dadkaasi oo laga cabsi qabo in aargoosi kala kulmaan Al Shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaannadan kaddib markii dowladda uga baxday ballamo horey looga qaaday, waxaana warar qaar sheegayaan in ciidamada qaar laga jaray lacago la siin jiray.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadlin ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa macawuusleyda deegaanno qabsashadooda dhiig badan ku daatay kuna baxday qarash aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Puntland oo ka soo horjeesatay talaabo ay qaaday Dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Yaa Gobolada Koonfureed xoreynaya oo Jazadooda xumaan loogu gudaa? Qalinkii Prof. Saciid Ciise

Caydiid Ali
Taboola Ads ---