Ajaaniib dooneysay in ay tahriibiyaan Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ajaaniib u dhalatay dalka Yemen iyo dooni ay wateen xilli ay doonayeen in si sharci darro ah xeebaha gobolka Bari uga tahriibiyaan dhallinyaro Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddoyinkan kudaba jireen ragan u dhashay dalka Yemen ee dadka Soomaaliyeed ka tahriibin jiray xeebaha gobolka Bari.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada ammaanka hada gacanta ku hayaan labadan nin ee u dhashay dalka Yemen iyo doontii ay wateen, waxa uuna xusay in ragan doonayeen in dhallinyaro Soomaaliyeed ka qaadaan gobolka Bari ayna geeyaan dalka Liibiya.

Taliyaha booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in howsha tahriibinta ay si wadajir ah isaga kaashan jireen rag Soomaali iyo Carab isugu jira, kuwaas oo kala jooga  Boosaaso & dalka Yemen, waxa uuna xusay in kooxdaasi ay dhalinyaro farabadan ay Badda ku laayeen.

Ugu Dambeyn taliyaha ayaa digniin adag u diray dadka ka shaqeeya arrimaha tahriibinta, waxa uuna cadeeyay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in si sharci darro ah dadka doonyo tahriib uga saaraan xeebaha gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -