Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la sheegay in lacago laaluush ah siiso booliiska Kenya si ay …

Ciidamada booliiska dalka Kenya ee ku sugan xadka Soomaaliya la wadaago Kenya ayaa la sheegay in lacago laaluush ah ka qaataan dagaalyahanada Al Shabaab ee gudaha u gala Dalkaasi.

Warbixin Qaramada Midoobay ay daabacday ayaa lagu sheegay in booliiska Kenya u ogolaadaan Al Shabaab in gudaha u galaan Kenya, waxaana la sheegay in booliiska Al Shabaab ka qaataan lacago laaluush ah.

Booliiska Kenya ayaa la sheegay in lacag u dhiganta 20-dollar ka qaataan Shabaabka gudaha u gala Kenya, waxaana Warbixinta Qaramada Midoobay lagu sheegay in musuq maasuqa Kenya sababtay in Shabaabka gudaha u galaan dalkaasi.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay u fududaatay in si sahlan ku galaan gudaha Kenya kagana fuliyaan weeraro, waxaana Warbixinta lagu sheegay Shabaab doonayay in ay weeraraan Kenya marar badan ka gudbeen xadka labada wadan.

Al Shabaab ayaa weeraro ka geesta gudaha dalka Kenya, waxa ayna dowlada Kenya ku guul dareesatay in ay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay ka xirto dagaalyahanada Al Shababa ee dalkeeda weerarada ka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 150 oo ku dhaawacmay rabshado ka qarxay Masjidka Al-Aqsa (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiliga uu RW Boris Johnson dib ugu soo laabanayo xafiiska oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo shaaciyay Magacyada Saraakiil sar sare oo Tigrey ah oo la laayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---