Dowlad ka tirsan caalamka oo fasaxday isticmaalka Maandooriyaha xashiishka

Dalka Canada waxaa berri ka dhaqan galaya sharci ogolaanaya isticmaalka, ganacsiga iyo beerashada maandooriyaha xashiishadda.

Arrintan ayaa soo bilaabatey 20 sano ka hor, kadib marki ra’iisul wasaarihi hore ee Canada, Jean Chritien uu billaabey ololaha sharciyeynta cabista maandooriyahan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Canada ayaa aad uga soo horjeeday tallaabadan, haddana waxa ay isu diyaarinayaan sidi ay khasaaraha sharciyeynta maandooriyahan uga yareyn lahaayeen jaaliyaddooda iyo qoysaskoodaba.

Soomaalida Canada ayaa ka mid ah bulshada uu sida gaarka ah udhibayo sharcigan, maadaama diin iyo dhaqan ahaanba uu mamnuuc ka yahay guryaha Soomaalida Canada, hadana ay xashiishadu ka mid noqoneyso balwadaha suuqa si sharci ah looga iibsan karo.

Canada ayaa ka mid noqotay dalal fara ku tirs ah oo horey shacabkooda ugu fasaxay isticmaalka, ganacsiga iyo beerashada maandooriyaha xashiishadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -