Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo Shuruud adag mar kale ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa mar kale shuruudo adag ku xiray dowladda Sweden oo olole badan ugu jirto sidii ay xubin rasmi ah uga noqon laheyd Gaashaanbuurta NATO.

Erdogan ayaa si cad ugu sheegay Sweden in aysan rajo ka qabin dalabkooda xubinnimada NATO ee shirwaynaha isbahaysiga reer galbeedka ee bisha soo socota, haddii aysan ka hortagin mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacaya Stockholm.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay dowladda Sweden in ay garab siineyso kooxo argagaxiso ah, waxa uuna shuruud uga dhigay Sweden haddii ar rejo ka qabto NATO in ay joojiso dibad baxyada ka dhanka ah Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa maamulka Stockholm ku eedeeysay inay gabbaad siiyaan xubno ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta ee uu u arko inay yihiin kooxo argagixiso ah oo kasoo horjeeda nabadda Turkiga.

Turkiga ayaa kahor yimid in Sweden xubin ka noqoto NATO , kaddib markii ay horey ugu fashilmeen buuxinta shuruudo badan oo Turkiga ku xiray Sweden si uu ugu oggolaado in Gaashaanbuurta NATO xubin ka noqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil ka qaadis ku sameeyay Maxamed Xasan Qoone

Cabdi Cade

Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo saaka ka socota Guriceel

Caydiid Ali

Ciidamada NISA oo muddo kooban xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---