Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo shirweyne kaga qeyb galay magaalada Bagdaad (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka magaalooyinka iyo caasimadaha Carabta oo ka dhacay magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka magaalooyinka Carabta sannadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta.

Waxaa sidoo kale shirkan intii uu socday looga dooday  sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha ee lagu lafa guri doono shirka soo socda, oo ay dhammaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii shirka duqa maagalada Bagdaad ee caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Hakiyay Qaabilaada dadka ugu imaanaya Madaxtooyada (Akhri Sababta)

Cabdi Cade

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Cadaado iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu fuliyay rag dilal horey geestay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---