Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo Garawe kasoo sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta kasoo ambo baxay magaalada Garawe ee caasimadda Puntland , halkaas uu uga qeyb galay caleemo saarkii madaxweyne Deni.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe  wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa kasoo sagootiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo maamulkiisa katirsanaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii dib loo doortay aan tegin magaalada Garawe ayaa shalay u tagay caleemo saarka madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mar kale dib loo doortay.

Xiriirka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland ayaan wali la xalin, waxaana socdo qorshayaal lagu doonayo in labada masuul isku arkaan si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Ciro & Allan Kessler?

Caydiid Ali

Cayaarta Qashin ka Ururinta magaalada ee lagu helayo lacag badan oo Abaalmarin

Cabdi Cade

Weeraro Al-Shabaab ka fulin rabtay Magaalada Addis ababa oo la fashiliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---