Waxaa muddo laba maalin ah dib loo dhigay Ciyaartii finalka ee tartanka dowlad goboleedyada taasoo lagu balansanaa in la vcayaaro Maalinta sabtida
Ciyaartan oo dhexmari doonta xulalka Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Waxaa la ciyaari doonaa maalinta Isniinta oo Taariikhdu Tahay 29-January sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xiriirka kubada cagta Somalia.
Qoraalka xiriirka laguma sheegin sababaha dib u dhaca kooban sababay hase ahaatee warar aan helney waxay sheegayaan si amaan loo sugo cayaarta Galmudug iyo Hirshabelle dib loo dhigay si ay uga qayb galaan Madaxda sare ee Qaranka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA