Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Cadaado iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kaasoo khasaare nafeed geystay.

Sida aynu wararka ku heleyno dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan NISA iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan oo degan magaalada.

Rasaas culus oo la isweydaarsanayo ayaa la soo sheegayaa iney saameysay isku socodkii dadka iyo gaadiidka iyo weliba dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo dhamaantood khal khal galay.

Weli xog dhameystiran lagama hayo khasaaraha dagaalkan iyo waxa sababay, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -