Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Wasiirkii difaaca ee Somaliland oo goor dhow xilka iska casilay (Sababta)

Wasiirkii Gaashaandhiga Maamulka Somaliland oo ka soo jeeda Magaalada Seylac Cabdiqani Caateeye ayaa iska casilay xilkiisa isagoo ka hor yimid heshiiskii guracnaa Muuse Biixi uu la galay itoobiya.

Wasiirka ayaa u waramay Tv-ga Horyaal ee Fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in marnaba uusan aqbaleyn in dhulka Soomaaliyeed xabashi lagu soo hoggaamiyo.

Waxaa sii kordhaya Mucaaradada laga soo horjeedo Maamulka Muuse Biixi heshiiskii foosha xumaa ee uu la galay Itoobiya kaasoo la sheegay in lagu siinayo dhul badeed ku yaalla Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Maxamed Xasan Saajin isna ka soo horjeestay damaca liita ee dowladda Itoobiya ku dooneyso dhul Soomaaliyeed isagoo xusay in ujeedka ka waynyahay arrimo la xiriira ganacsi dhanka badda ah.

“Midbaa meesha taala oo aad wali fahmi la”dihiin oo dadka kale fahmay, waxa weeye dekada lawada maalgashado kama hadleyso Itoobiya, waxay ka hadleysaa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku ma siiyo noocaas” ayuu yiri

Banaanbaxyo ka dhan ah damaca Itoobiya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta ka ka dhacay magaalada Boorama ee waqooyi galbeed Soomaaliya, iyadoo shacabku lahaayeen Baddeenu iib ma aha.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA ISCASILAY

 

 

Related posts

Israaiil oo ku gacan seyrtay go’aan culus oo ka soo baxay Maxkamada ICG

Caydiid Ali

Dhulgariir cusub oo ku dhuftay Magaalo ku taalla bariga dalka Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoysas heysta Baasabooro ajnabi ah oo laga daad gureeyey Marinka Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---