Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Heshiis taariikhi oo maanta lagu kala saxiixanayo Magaalada Muqdisho

Heshiis ku kacaya aduun lacageed oo gaaraya Boqol Milyan oo dollar ayaa   waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixanaya dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka.

Safiirka Jarmalka uu u soo magacaabay Soomaaliya ms Annette Gunther oo shalay Madaxweyne Farmaajo uu ka gudoomay warqadaheeda aqoonsiga ayaa maanta lagu wadaa iney heshiiskaas la saxiixato dowlada federaalka.

Lacagtan ay maanta guddoomeyso dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha dalka, dib u dhiska ciidamada Booliska iyo shaqa abuur loogu sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada Arimaha dibbedda ee xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay lacagta maanta ay ka guddoomayaan dowladda Jarmalka inay wax badan ka tari doonto horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney caawa isku daldashay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ruushka oo shir isugu wacay Wasirro Afrikan ah iyo Ujeedka uu ka leeyahay

Cabdi Cade

Kulan looga tashanayay Maqaamka Caasimada oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---