Maxay ahaayeen labada nin ee ciidanka NISA ku soo xireen howlgal ka dhacay Muqdisho?

Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisey in howlgal laga sameeyey Muqdisho lagu qabtay Xubno sare oo  ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu faafiyey Bogga twitter-ka ee Hayadda NISA Howlgal laga sameeyey xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ayaa lagu qabtay laba  ka mid ah ragga dilalka u qaabilsan Al-Shabaab.

“19-ka Saptembar, 2018, ciidamada Amniga ayaa labo shakhsi oo Amniyaat-ka Alshabaab ka tirsan ka soo qabtay degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdusho. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaaga si aan u difaacno dhammaan shacabkeenna”  ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Laguma sheegin warka magacyada shaqsiyaadka ka tirsan alshabaab iyo howsha ay u qaabilsanayeen kooxdan.

Taliska NISA ayaa maalmahan shaacinayey howlgalo isdaba joog ah oo ay sheegayaan in lagu soo qabtay shaqsiyaad ka tirsan Al-shabaab oo howlo qarsiidi ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -