Bandhig faneed aan caadi aheyn oo xalay lagu qabtay degmada Dayniile (Daawo Sawirro)

Bandhig faneed loogu magac daray Fanka & horumarka caasimada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay xarunta maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waxaa bandhig faneedkan ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada federaalka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir Ing. C/raxmaan Yariisow, Xildhibaano, Maamulka degmada Dayniile iyo boqolaal shacab ah oo ku nool degmadaas iyo degmooyinka la deriska ah.

Bandhig faneedkan oo ahaa mid lacag la’aan ah ayaa waxaa wacdaro taariikhi ah ka dhigay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Farxiyo Kabayare,  Xasan Gantaal iyo fannaaniin kale oo halkaas ka qaaday heeso iyo suugaan kale oo dhiiga iyo lafaha dhaqaajiyey dadkii u soo daawashada tegay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey fanaaniinta bandhigaas ka qeyb qaatay, isagoo xusay in arintan ay muujineyso horumarka iyo amniga ka jira caasimada, ayna dhabarjab ku tahay dadka faafinaya in Muqdisho uusan ka jirin amni wanaagsan.

Bandhig faneedkan oo xalay illaa saqdii dhexe ruxayey degmada Dayniile ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu weynaa ee sanadahan lagu qabto magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile oo mudooyinkan ku talaabsaneysay horumar dhinaca walba leh sida amniga, dib u dhiska iyo Maamul wanaaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -