Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Lughaya oo wacad ku maray iney iska ka difaacayaan Itoobiya (Sawirro)

Dhalinyaradda Degaanka Lughaya ee gobolka Awdal ayaa maanta dhigay Banaanbax ay ku diidan yihiin in Degaankooda la siiyo Itoobiya

dhalinyarada oo aad y careysnaa ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay inay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya.

Waxay baaq u direen Dadka Soomaaliyeed kaasoo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sifo boob ah ku qaadato, iyadoo kaashaneysa shaqsiyaad caado qaatayaal ah.

Guud ahaan Gobolka Awdal ayaa maanta waxa ka dhacay Mudaharaad looga soo horjeedo damaca xun ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa shalay si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi

Odayaasha Dhaqanka reer Saylac ee waqooyiga Soomaaliya oo la hadlay warabahinta  ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi uusan bixin karin dhulkooda,ayna tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacabka ku dhaqan degaannada gobollada Waqooyi.

Waxay sheegeen in badda aysan ahayn wax cid walba si fudud isaga bixin karto, ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqbali karin damaca gurracan ee Itoobiya.

Odayaasha ayaa sidoo kale dhammaan ummadda Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya oo si cad ugu soo duushay itoobiya.

Related posts

Al Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Wafdi uu horkacayo RW ku-xigeenka dalka oo booqday degmooyin ka tirsan Gedo

Caydiid Ali

Dayuurad gaar ah oo Muqdisho ka qaaday dad ka badan 150 qurbajoog Soomaali ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---