Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Deni oo tallaabooyin adag ka qaadaya Baarlamaanka muddo kororsiga sameeyay

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay Puntland

Caydiid Ali

Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo War-xasaasi ah ka soo saaray Xaalada dalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad soo saartay Warqad lagu soo xirayo Madaxweynaha dalka Mareykanka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---