Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay Puntland

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kala hadlay wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee sannadkan aan helin Shahaadada Federaalka ka dib khilaaf soo kala dhex galay wasaarada iyo maamulka Puntland.

Kullanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka ee deegaan doorashadooda ay tahay Puntland , ayaa ku dhammaaday is-afgarad, iyada oo wasiirka waxbarashada Federaalka uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee ay Ardayda ku heli lahaayeen Shahaadada sida uu sheegay wasiirka Waxbarashada.

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda degaanada Puntland, Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal” ayuu yiri wasiir Goodax.

Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceliyay Wasiir Goodax ballan-qaadka ku aaddan inay Ardaydu heli doonaan shahaadada. Wuxuuna caddeeyay Wasiir Sadiiq inuu dedaal badan galin doono sidii xal ugu dambeeya looga gaari lahaa cabashada shahaadada.

Puntland ayaa diiday in ardayda wax ka barta degaanada hoos taga ay ka qeyb galaan imtixaanka ay diyaarisay Wasaarada waxbarashada Somalia, iyadoo sameysatay imtixaan u gaar ah oo keenay khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac, kaasoo mugdi geliyey sidii ardayda Puntland u heli lahaayeen shahaadada dugsiga saree e ay bixiso Wasaarada waxbarashada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

  

- Advertisement -