Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lataliye sare u magacaabay Aqoonyahan Soomaaliya Caan ka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo qaaday Talaabooyin looga hortagayo Dhaqan Xumada ka jirta Liido !

Cabdi Cade

Muxuu yahay qorshaha hoose ee ay wadaan Saciid deni iyo Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Muslimiinta Mareykanka oo ka xumaaday xilal uu magacaabay Madaxweyne Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---