Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad soo saartay Warqad lagu soo xirayo Madaxweynaha dalka Mareykanka 

Dowlad Iiraan ayaa soo saartay warqad waaran ah oo booliiska caalamiga ee Interpol uga dalbaneyso in lasoo xiro Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald iyo xubno kale oo u dhashay Mareykanka.

Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa maanta sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil iyo argagixiso.

Madaxweyne Trump iyo xubnaha kale ee dooneyso dowlada Iran in lasoo xiro ayaa loo heestaa Dilkii magaalada Bagdaad loogu geestay Janaraal Qaasim Suleymaan oo madax u ahaa Cutubka Qudus oo katirsan ciidamada Kacaanka iran.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa fuliyay weerarka lagu dilay Jeneraal Qaasim Sumeymaani iyo saraakiil kale oo katirsanaa ilaalada Kacaanka Iiran, dilkan ayaana xiisad ka dhax abuuray Iiraan iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Sargaal katirsan Booliiska Canada oo loo heesto dilka Muwaadin Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Ciidamo Faransiis ah oo weerar dhulka ah oo lagu dilay saraakiil katirsan Al Shabaab ka fuliyay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---