Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khilaaf culus oo mar kale ka dhex dilaacay Qaramada Midobay iyo Israa’iil

Israa’iil ayaa dal-ku-galka kala noqotay mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay sababo la xiriira eex

Dowlada Israa’iil waxay kala noqotay fiisaha xiriiriyaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay sababo la xiriira wax loogu yeeray eexda Qaramada Midoobay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil.

“Ma sii aamusi doono marka loo eego eexda Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Eli Cohen  .

Waxaa uu sheegay in  Lynn Hastings, oo ah ku xigeenka isku duwaha gaarka ah ee geedi socodka nabadda ee Bariga Dhexe iyo isku duwaha Qaramada Midoobay ee dhulka Falastiin ee la haysto, uu ku guul daraystay inuu ka hadlo Xamaas falalkii ay ku kacday weerarkii October 7.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Hastings lagala noqday dal ku galka todobaadkii hore. Weli, Dujarric wuxuu sheegay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu “kalsooni buuxda” ku qabo Hastings.

“Waxaan kaliya ku celin karaa kalsoonida buuxda ee Xoghayaha Guud ee Ms. Hastings, sida ay nafteeda u dhaqmeyso, iyo sida ay u gudatay shaqadeeda,” ayuu yiri Dujarric.

Qaramada Midoobay iy Israel ayaa si weyn iskugu dhacay tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaza labo bilood ka hor, iyadoo masuuliyiinta QM ay ku celceliyeen in wax laga qabto gabood falada ka socda Gaza, arrintaasoo israel ka careysiisay.

Israel ayaa horey ugu diiday Xoghayaha Guud ee QM inuu booqdo magaalada Gaza khilaafka labada dhinac ka dhex jira awgeed

Related posts

Mengistu Hailemariam iyo Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Caydiid Ali

Diyaarad dagaal Nuucii ugu dambeeyay Dunida oo Duqeymo geesatay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo oo soo saartay qorshaha cusub iyo Habraaca Doorashada Jubbaland

Caydiid Ali