Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax & israsaaseyn caawa ka dhacday Muqdisho & dabley ka tirsan Al-Shabaab oo..

Qarax xoogan iyo tacshiirad caawa ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho caasimada Somalia ka dib markii ay fooda is dareen ciidamada amaanka DF iyo dabley ka tirsan Al-shabaab.

Falkan ayaa yimid ka dib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay qarxiyeen dukaan ku yaalla xaafada Al baraka ee degmada Hodan kaasoo xirtay kaamirada CCTV ka dib amarkii ka soo baxay DF.

Ciidamada amaanka DF oo goobta ka dhawaa ayaa eryaday dableyda oo isku dayey iney ku baxsadaan mooto bajaaj ay wateen.

Ragga hubeysan ayaa sidoo kale isku dayey iney iska caabiyaan ciidamada amaanka DF iyagoo adeegsanaya labo bastooladood oo ay wateen.

Booliska ayaa israsaaseyn daqiiqado socotay ka dib ku guuleystay iney dilaan mid ka mid ah dableyda hubeysan halka kan labaadna la qabtay isagoo dhaawac ah.

Sidoo kale darawalka mootada waday ayaa geeriyooday ka dib markii ay qaraxday mooto bajaajka oo ay saarnaayeen waxyaabo qarxa, iyadoo mootadiina ay halkaas ku gubatay.

Dukaankii ay qarxiyeen ragga hubeysan oo lagu iibin jiray qalabka dayactirka baabuurta ayaa gebi ahaanba gubtay.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay iney ku raad joogeen kooxdan oo maalmahan khal khal gelin ku heysay amaanka caasimada.

Ganacsatada dukaamada ku leh jidadka Muqdisho ayaa wajahayey maalmahan xaalad adag ka dib markii ay dhexda u galeen amaro isdiidan oo ka soo kala baxay dowlada Somalia oo amartay iney xirtaan kaamerada CCTV iyo Al-shabaab oo ugu hanjabtay iney qarxin dooonaan goobtii lagu xiro.

Related posts

Dil & qaraxyo caawa ka dhacay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray Kismaayo iyo Mashaariic laga fulinayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha booliiska iyo Duqa Muqdisho oo la hadlay Banaan baxayaasha (Daawo Muuqaal+Sawiro)

Cabdi Cade