Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidamadii Dowlada soo dhoobtay Daljirka iyo Wadooyinka Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe ciidamo aad u badan oo isugu jira milatari, booliis iyo nabad sugid soo dhoobtay qeybo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah.

Ciidamadan oo hub kala duwan watay aadna u feejignaa ayaa goobaha lasoo dhoobay waxaa kamid ahaa taalada Daljirka Dahsoon oo maanta lagu waday in banaan bax ka dhaco iyo isgoosyo kale oo la shaaciyay in dibad baxayaasha isku aruursan lahaayeen.

Mucaaradka banaan baxa abaabulayay ayaa sheegay in ciidamada dowlada soo dhoobtay Wadooyinka Muqdisho iyo taalada Daljirka Dahsoon ujeedkoodu ahaa in ay fashiliyaan banaan baxa la qorsheeyay in uu maanta dhaco balse la baajiyay.

Dowlada Soomaaliya ayaana saakay wadooyinka magaalada Muqdisho iyo taalada Daljirka Dahsoon ka qaaday ciidamadii xalay lasoo dhigay, kadib markii Midowga Musharaxiinta shaaciyeen in dib u dhigeen banaan baxii ay qorsheeyeen.

Ciidamada wadooyinka magaalada Muqdisho lasoo dhoobay ayaa inta badan lagu celiyay xeryo ciidan oo markii hore laga soo saaray, waxaana wadooyinka Muqdisho saakay lagu arkayaa ciidamadii booliiska ee horey u joogi jiray.

Dowlada Soomaaliya oo horey u ogolaatay qabashada banaan bax nabdoon ayaa hadana la timid qorshayaal kale ay ku fashilneyso banaan baxaasi kadib markii ay xiratay wadooyinkii ay soo mari lahaayeen dadka banaan baxa ka qeyb qaadan lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -