Guddoomiye Cali Jeyte oo Ballanqaad lacageed u sameeyay Dagaalyahanada Al Shabaab ee …

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ballanqaad lacageed u sameeyay dagaalyahanada katirsan Al Shabaab , kuwaa uu ku dhiiro galiyay in ay soo dilaan saraakiil iyo xubno kale oo kooxdaasi kala tirsan.

Cali Jeyte ayaa sheegay ninkii katirsan Al Shabaab ee soo dila Shabaab kale kana soo baxsada in uu siin doono lacag gaareysa 10-kun , waxa uu sidoo kale u ballanqaaday ninkii soo dila sargaal sare in isna la siin doono lacag u dhaxeysa 10-kun ilaa 30-kun oo dollar.

“Ninkii Shabaab ah ee soo dila Shabaab kale waxaa la siinayaa lacag dhan 10-kun oo dollar, dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaana cadeeyay in uu ka dhabeenayo ballanqaadyada lacageed uu sameenayo sidii kuwii hore, waxa uuna sheegay in lasoo dhaweenayo ninkii Shabaab kasoo baxa sidoo kale soo dila xubno katirsan kooxdaasi.

Ballanqaadyo lacageed oo horey u sameeyay Cali Jeyte ayuu siiyay ciidamo iyo macawuusley soo dilay xubno katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale lacago lagu abaalmariyay xubno kale oo iyana Shabeelaha Dhaxe ku dilay xubno Shabaab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -