Loolanka ku-xigeenada duqa Muqdisho oo saameyn xun ku yeeshay howlihii maamulka G/Banaadir

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Dhanka amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullahi Maxamed Mohamed Tuulah

Madaxda sare ee dowlada ayaa ka fiirsanaya talaabo xilalka looga qaadayo Gudoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ka dib markii loo maaro waayey khilaaf iyo loolan muddo dheer soo jiitamayey oo hadda maraya marxalad adag.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhinaca amniga Siyaasadda ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax iyo ku-xigeenka labaad ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa tan iyo Markii la magacaabay waxaa u dhexeeyey loolan la xiriira cida yeelaneysa awooda ku-xigeenka Koowaad ee Duqa Magaalada Muqdisho, iyadoo murankoodu uu gaaray Madaxda sare dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa marar badan oo uu galay safar dibeda ah waxaa ku simihiisa uu u magacaabay ku-xigeenkiisa labaad ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, waxaana arintaas ka carooday Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhinaca amniga Siyaasadda ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo isagu aaminsan in ku simenimada xaq u leeyahay maadaama uu yahay masuulka labaad ee ugu sareeya maamulka goboka Banaadir, isagoo dacwad arintaas la xiriira gaarsiiyey madaxda sare ee dalka.

Madaxda dalka ee dowlada Soomaaliya ayaa isku dayay iney xaliyaan khilaafkooda hase ahaatee uma suuragalin, iyadoo marba marka ka dambeysa uu sii karaar qaadanayey muranka labada masuul oo gaaray meel aan waxba laga qaban Karin.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marar badan isku dayay inuu xaliyo Khilaafka ka dhaxeeya labada masuul balse sagaal bilood ka dib wax natiijo ah kama gaarin.

Guddoomiye ku-xigeenka Dhanka amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdullahi Maxamed Mohamed Tuulah ayaa saaxiib dhow la ah Madaxwyanaha Halka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ay eedo u tahay Marwada koowaad ee dalka, waana taas sababta keentay in go’aan deg deg ah laga qaadan waayo murankooda.

Sida ilo wareedyo muhiim ah ay sheegayaan isqabqabsigan ayaa ka dhashay qalad uu galay Madaxwyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kadib markii uu ku xigeenka koowaad ee duqa Magaalada Muqdisho uu ku qoray Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulah balse wareegtada saxda ah ee ku-xigeenka koowaad ayaa waxaa haysta Xuseen Maxamed Nuur taas ayaa sabab u ah in lagu qancin waayo Tuulax inuu noqdo ku xigeenka labaad.

Muranka labada Masuul ayaa saameyn xooggan ku yeeshay howlihii maamulka gobolka Banaadir, iyagoo mararka qaarkood soo saara amaro iska soo horjeeda oo jahwareer ku riday maamulada degmooyinka iyo howlwadeenada xafiisyada Maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -