Dowlada Somalia oo loogu deeqay aduun gaaraya $100 Milyan oo dollar (Daawo Sawirro)

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay inay lacag deeq ah oo dhan 100 Milyan Doolar siineyso Soomaaliya.

Safiiradda cusub ee Jarmalka u soo magacawaday Soomaaliya Annette Gunthe ayaa ka sheegtay munaasabadda xuska maalinta midowga Jarmalka oo maanta lagu qabtay in lacag dhan 100 Million oo Dollar oo Jarmalku siinayo Soomaaliya.

Heshiis ku saabsan deeqdaas ayaa waxaa qalinka ku duugay Safiiradda cusub ee Jarmalka u soo magacawaday Soomaaliya Annette Gunthe iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad.

Deeqdan ayey sheegtay iney tahay taageero dhaqaale oo dalka Jarmalka uu ku taageerayo mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga fulinayo.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhamaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya, uuna weligiis garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed, Isagoo ka mahad celiyey deeqda ay ugu yaboohday Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -