Wararkii u dambeeyey dagaalka Ukriane & Madaxweyne Zelensky oo eedeeyey NATO

Militeriga Ruushka ayaa weli sii wadaan duqeymaha magaalooyinka Ukraine xilli ay isku dayayaan inay qabsadaan halkaas, waxaa weerar culus lagu qaaday magaalada Irpin oo dhacda waqooy galbeed caasimadda Kiev halkaas oo ay ciidamada Ruushka isku dayayaan inay jebiyaan dhufeysada ciidamada Ukraine.

Dadka magaalada ayaa isaga qulqulayaa halkaas iyaga oo lugeynaya,, waxaa guuldareystay dadallaada shacabka looga saarayo magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay hakiyeen duqeynta wax ka yar nus saac. Dhanka bari, Moscow waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay toddobo kiiloomitir soo dhaafeen Donbass.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu kaalmo dheeraad ah siinayo dalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in kaalmo dheeraad uu siin doono Ukraine taas oo isugu jirto mid dhaqaale, mid amni iyo in uu gargaar siin doono dalkaas kadib markii uu teleefoon kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky.

Dhanka kale, Britain ayaa soo jeedisay qorshe ka kooban lix qodob oo looga jawaabayo dagaalka Ukraine, waxaana ay ku boorineysaa dalalka kale inay ku soo biiraan qorshahan.

Qorshaha waxaa ka mid ah abaabulka isbahaysi bini’aadantinimo, taageeridda in Ukraine ay is difaacdo, iyo kordhinta cadaadiska dhaqaale ee Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyayaasha NATO kuwaas oo diiday inay dalkaasi ka sameeyaan aag ka caagan duulimaadyada.

Khudbad kulul oo uu Volodymyr Zelensky jeediyay ayuu ku sheegay in cagajiidka reer Galbeedka ay ka cagajiidayeen inay arrinta soo farageliyaan ay Ruushka siisay “ogolaanshiyaha” ah inay sii socdaan duqaymaha lagu hayo tuulooyinka iyo magaalooyinka dalkaasi.

NATO ayaa waxa ay ku dooday in haddii la sameeyo aag ka caagan duulimaadyada ay sababi karto inuu qarxo dagaal ay la galaan Moscow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -