Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Dheere oo Codsaday in Soomaaliya laga cafiyo Deynta lagu leeyahay (Daawo Sawirro)

Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane
Ibraahim Cuar Mahadale (Ibrahim Dheere) ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Gudoomiye Ibraahim Dheere oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa ka hadlay horumarka dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee xiligan ka jira Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ibraahim Dheere oo shirka deyn cafinta ee ka dhacay magaalada Adis Ababa ku matalay Gobolka Banaadir ayaa codsaday in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay si Soomaaliya horey ugu sii socoto dhinaca horumarka.

Shirkan deyn cafinta Soomaaliya waxaa soo Qaban qaabiyay Hay’ada IMF, EU  iyo World Bank, waxaa shirkan ka qeyb galay Wasiirka maaliyada ee Dowlada Federalka , Wasiirada Maaliyada ee maamul Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis shacab badan dilay oo raaligelin layaab lh bixiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo dhagax dhigay Waddo laami ah oo laga dhisayo Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

ATMIS oo War ka soo saartay weeraradii ka dhacay Baardheere & Bariire (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---