Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow iyo Guddoomiyihii hore Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab)

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Muqdisho ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan ka socday Ciidamada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyihii hore Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee CQS Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow ayaa tilmaamay in howsha uu halkiisa ka si wadi doono, isagoo ka mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geysatay xilka loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Guddoomiyihii hore uga mahadceliyay howsha uu so qabtay, waxaana uu Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu si daacadnimo ay ku jirto uu u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Wasiir Jaamac ayaa xusay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ahmiyad weyn ugu fadhido dalkeenna, loona baahanyahay inay si dhab ah uga soo dhalaasho waajibaadka saaran.

- Advertisement -