Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay askari Shalay dil u geestay Wiil Bajaajle ahaa (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey EX-dable daraawiish Muzamil Maxamed Cabdi Aaden oo shalay Magaalada Baydhabo ku diley marxuum Cabdiweli Xasan Cali oo saarna mooto Bajaaj.

Gacankudhiiglaha ayaa la sheegay in uu shalay  isu dayey inuu mooto Bajaajta marxuumka si xoog ah ku raaco, lakiin wadaha ayaa diiday, taas waxa ay keentay in dilaagu Saddex xabadood ku dhufto Marxuumka sidaasna ku dilo.

Ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninka dilka geestay, waxaana ninkan oo isla saakay maxkamadda ciidamada la horgeeyay lagu xukun dil dil toogasho ah, dilka ayaana isla saakay Baydhabo lagula fuliyay dilaaga.

Magaalada Baydhabo ayaa sidan oo kale waxaa uga dhacay xukunno dil ah oo si deg deg ah loogu fuliyay rag dilal iyo kufsi argagax lahaa geestay, waxaana dilkana saakay soo dhaweeyay qoyska marxuumkii shalay la dilay iyo qaar kamid ah bulshada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Ingiriiska oo xoojineysa Taageerada ay siiso Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xisbi siyaasadeed uu hogamiyo Mishiin Robot ah oo laga dhisay dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Diyaarad ay la socdeen 188 -qof oo Rakaab ah oo bur burtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---