Fashil soo wajahay Guddigii uu Ibraahim Dheere u Magacaabay Xil-wareejinta duqa Muqdisho

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Ibraahim Cumar Mahad-alle (Ibraahim dheere)

Dib dhac ayaa soo wajahay Munaasabadii uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Max’ed Max’uud (Filish) oo caawa lagu waday iney ka dhacdo xarunta dowlada hoose ee Muqdisho.

Dib u dhacan ayaa yimid ka dib markii uu shaki soo kala dhex galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo guddigii qaban-qaabada xil-wareejinta ee uu magacaabay Sii-hayaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ibraahim Dheere.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dalbaday in la bedelo inta badan xubnaha guddiga uu magacaabay Ibraahim Dheere oo shaqadooda u gudan waayey sidii loogu talo galay.

Guddoomiye Filish ayaa la sheegay inuu kalsooni daro ka muujiyey howlaha guddigan gaar ahaan qaabka loo wajahayo amaanka xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Ibraahim Cumar Mahad-alle (Ibraahim dheere) iyo xubno ka tirsan guddiga uu magacaabay ayaa la sheegay iney qorsheeyeen in amniga xarunta dowlada hoose ay sugaan ciidamadii horey u joogay, balse waxaa arrintaas si cad uga hor yimid gudoomiye Cumar Filish oo ka shakiyey inuu meesha ka socdo qorshe isaga lagu shirqoolayo, maadaama ciidankan ay sugi waayeen amaanka gudoomiyihii hore ee gobolka marxuum Eng. Yariisow, wuxuuna dalbaday in la bedelo dhamaantood.

Shakiga laga qabo amaanka xarunta dowlada hoose ayaa sii xoogeystay markii xubin ka tirsan guddiga qaban-qaabada ee uu magacaabay Ibraahim dheere la xiray, taasoo ka dambeysay markii uu diiday inuu ka baxo xarunta gobolka Banaadir si baaritaan loogu sameeyo.

Amniga xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa ka taagan qalalaase iyo kala shaki soo kala dhex galay masuuliyiinta cusub iyo kuwii hore ee Maamulka gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamo uu wato Taliyaha ciidamada Booliska G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay soo fara geliyeen arintan, ayna la wareegeen xarunta maamulka gobolka inta ciidamo gaar ah looga sameynayo, iyadoo arimahan ay sababeen dib u dhaca ku yimid Munaasabada xil wareejinta ee caawa dhici laheyd oo weli aan xili kale loo qabanin.

Qaraxii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir marxuum Eng. Yariisow iyo masuuliyiin kale ayaa keenay in gudoomiyaha cusub ee gobolka uu shaki ka muujiyo dhamaanba masuuliyiinta iyo shaqaalaha gobolka Banaadir, iyadoo la aaminsan yahay in qaarkood ay si buuxda uga qeyb qaateen shirqoolkii lagu dilay marxuum Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -