Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Axmed iyo waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed Cali.

Kulanka dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Abiy ayey uga wada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dowlado iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa labada dowladood.

Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo dalka Sacuudiga kulamo kala duwan la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka ka furmaya dalkaasi, waxa uuna kala hadli doonaa madaxdaasi arrimo khuseeya dalkeena.

Madaxweynaha Sacuudiga kaga qayb gali doona Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaas ayaa intooda badan looga hadli doonaa xaaladda shacabka Falaatiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildh. Cali Saciid Fiqi oo difaacay qaabkii loo meel mariyey muddo kordhinta Laftagareen

Caydiid Ali

Maamulka Khaatumo oo ka hadlay safarka Xamse ku tagayo Laascaanood

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn Baydhabo loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---