Dagaalo qaraar oo Gaza ku dhexmaraya ciidanka Israel & Xamaas (Sawirro)

Dagaalo qaraar ayaa woqoayiga iyo bartamaha magaalada Gaza ku dhexmaraya ciidamada Yuhuuda iyo dagaalyahanada Xamaas ee iska caabinta adag wada

Israel ayaa dooneysa iney ka dhabeyso Mid ka mid ah hadafyada ugu waaweyn ee ay  ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa oo lagu sheegay galitaankeeda qaybaha waqooyi iyo bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.

Illaa shan aag ayuu dagaal qaraar ka socdaa, waxana ugu daran kan ka socda waqooyiga galbeed halkaas oo ay galeen tobannaan taangi iyo gawaarida qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan xeebta, waxayna gooyeen lix illaa todobo kilo mitir gudaha Qasa.

Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.

Diyaaraddaha Israa’iil ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah kumannaan barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog degmada Qasa.

Xoogaga Xamaas ayaa sheegaya iney 24 gaari  oo iskugu jira taangiyo iyo gaadiidka kale ee qaada ciidamada ka gubeen Israel, iyagoo soo bandhigay muuqaalo arrintaas cadeynaya, sidoo kale waxay sheegeen iney dagaalka ku dileen askar badan.

Duqaymo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla bartamaha marinka Qaza ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ku dhintay tobaneeyo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Duqeymahan ayaa ku soo aaday xilli Mareykanka uu ku boorinayo Israa’iil in ay joojiso duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayso Qaza iyo dhimashada sii kordheysa ee rayidka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safray magaalada Ramallah ee daanta galbeed isagoo kulan aan hore loo shaacin kula yeeshay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas. Blinken ayaa Sabtidii kula kulmay wasiiradda arrimaha dibadda Carabta ee Urdun, ka dib markii uu wadahadallo uu Israel la yeeshay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo ku adkeystay inaysan jiri karin xabbad joojin ku meel gaar ah illaa dhammaan la sii daayo la haystayaasha ay haystaan Xamaas. Madaxweyne Joe Biden wuxuu soo jeediyay Sabtidii in horumar laga sameeyay joojinta bini’aadantinimada.

Dhimashada Falastiiniyiinta ee dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa gaartay 9,700, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ee Gaza. Daanta Galbeed ee la haysto, in ka badan 140 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay rabshado iyo weerarro ay Israa’iil qaadday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DAGAALKA IYO DUQEYMAHA

- Advertisement -