Xildhibaano ku dhaawacmay Qarax ismiidaamin ah & Qoorqoor oo ka badbaaday

Gaari qarax laga soo buuxiyey oo uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday saka waaberigii tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dad ku sugan Wisil ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, Xildhiban Cabdi Qaybdiid, Xildhibaan Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa.

Senator Cabdi Qaybdid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay.

Dhinaca kale, Xidlhibaan Dhabancad ayaa sheegay in gaari qarax ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen xalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo ku soo dumay iyo jiingadaha guriga wax la xariira.

Dhabancad ayaa sidoo kale u sheegay in Senator Cabdi Qaybdiid uu soo gaaray asna dhaawac fudud.

“Ciidanka Soomaaliya ayaa fashiliyay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa oo Argagixisadu saaka ay ku soo weerareen deegaanka Laas-gacamay oo hoos taga magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay DF

Sida lagu sheegay War laga baajiyey telefishinka Qaranka SNTV Laba ka mid ah askarta dowlada ayaa ku dhaawacmay intii lagu jiray howlgalka ka hortaga Gaarigaan.

 

- Advertisement -