Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Taliye Indha Qarshe oo booqday xero Ciidan oo kutaala Kismaayo (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ay wehliyaan saraakiil kale ayaa maanta Kormeer ku tagay Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee kuyaala Kismaayo.

Generaal Indha Qarshe ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee taliska ciidanka Guutada 11-aad, waxa uuna taliyaha sidoo kale xog wareestay saraakiisha ciidanka Milatariga ee xeradaasi ku sugnaa.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalada ka socda gobolka Jubada Hoose, waxa ayna ciidanka howlgalada gacan ka siiyaan ciidamada kale ee maamulka Jubbaland.

Taliyaasha ciidanka Soomaaliya sida Milatariga, Booliiska iyo kusimaha Taliyaha Nabad sugida ayaa kuwada sugan magaalada Kismaayo, waxa ayna taliyaashan qeyb ka yihiin safarka Ra’isul Wasaare Kheyre ku joogo Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska qeybta 27-aad oo laga dhigay Degmo Al Shabaab go’doon galisay

Cabdi Cade

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Global Privacy Assembly

Caydiid Ali

Nabadoon caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---