Allbanaadir.com
NEWS

Xamse & Masuuliyiin kale oo daawaday filim todoba sano la soo diyaarinayey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, haatanna ay ummadda Soomaaliyeed go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska wax uu ugu yeeray argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu caawa ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, waxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa sida uu yiri

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu ay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti.

HOOS KA DAAWO FILIMKA IYO SAWIRADA XAFLADA

Related posts

Agaasimihii Warfaafinta Xafiiska RW oo iscasilay & Olole cusub oo ka bilowday Villa Somalia

Caydiid Ali

UNSOM oo Puntland u qoondeysay Miisaaniyad dhan $120 milyan

Cabdi Cade

Taliska Ciidanka booliiska oo War kasoo saaray Geerida G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris

Cabdi Cade
Taboola Ads ---