(Daawo) Qoorqoor oo ka hadlay qaraxii ay ka badbaadeen isaga iyo masuuliyiin kale

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka lagu soo qaaday goob ay xalay ku hoydeen isaga iyo masuuliyiin kale oo ku taalla tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa degaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Madaxweynaha oo ku sugan degaanka Laas-gacameey ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu ciribtirayo Al-shabaab aysana cabsi gelin doonin weerarada Al-shabaab.,

Dad ku sugan Wisil ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markana lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Senator Cabdi Qaybdid ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay. sidoo kale, Xidlhibaan Dhabancad ayaa sheegay in gaari qarax ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen xalay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray, kaasoo ka dhashay guriga oo ku soo dumay iyo jiingadaha guriga wax la xariira.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNE QOORQOOR

- Advertisement -