Ciidamada Maraykanka oo duqeyn dhimasho badan geysatay ka fuliyey duleedka Kismaayo

Duqaymo cirka ah oo ay qaadeen militariga Maraykanka ee jooga Somalia ayaa lagu dilay 18 kamid ah kooxda Alshabaab kadib markii ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah lagu weeraray Koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika.

Ma jiraan askar katirsan ciidamada Soomaalida iyo kuwa Maraykanka oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, sida uu sheegay, Nate Herring, oo ah afhayeen u hadlay AFRICOM.

Weerarka waxaa la qaaday Jimcihii wuxuuna ahaa wax iska caabbin kadib markii mintidiintu ay weerar ku qaadeen sahan ama roondo ay si wadajir ah u samaynayeen Ciidamada wadajirka ah.

Dagaalka  ayaa ka dhacay meel 50km u jirta magaalada dekadda leh ee Kismaayo kagana beegan Waqooyi-galbeed, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -