Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Muuse Biixi

Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Maxamed Xasan Saajin ayaa ka hadlay damaca liita ee dowladda Itoobiya ku dooneyso dhul Soomaaliyeed isagoo xusay in ujeedka ka waynyahay arrimo la xiriira ganacsi dhanka badda ah.

“Midbaa meesha taala oo aad wali fahmi la”dihiin oo dadka kale fahmay, waxa weeye dekada lawada maalgashado kama hadleyso Itoobiya, waxay ka hadleysaa dhul la siiyo oo iyadu deked ka sameysato, dhulna la isku ma siiyo noocaas” ayuu yiri

Maxamed Xasan Saajin Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa intaas ku daray “Mowduucu aad u fahma oo dhuuxa Itoobiya dhulbey rabtaa, Saylac ayay rabtaa, dee dhul la isma siiyo, waxay rabtaa Bad iyo Dhul ay qabsato”

Wasiirka wuxuu xusay in Soomaalida kale ay fahmeen intaas balse reer Somaliland qaarkood aysan fahmin qorshaha Itoobiya.

Wasiirka ayaa ka shifay damaca itoobiya iyo qiyaanada isagoo soo xasuusiyay reer Somaliland in Itoobiya hadey rabto dhul kiro ah hore loogu bandhigay iney saami ku yeelato dekada Berbera markaasoo ay iska bixin waayeen wixii lagu heshiiyay.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRKA

Related posts

Noocyada diyaaradaha Darooniska iyo Gantaalladii lagu duqeeyey Israel oo la shaaciyey

Cabdi Cade

Mareykanka oo shaaciyay in Diyaarad ku dhacday deegaan Al Shabaab maamulaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Waddo loogu magacdaray Madaxweyne hore (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---