Amni darada iyo anshax xumada ka jirta Muqdisho oo kulan xasaasi ah laga yeeshay (Sawirro)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah ay isugu yimaadeen wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaha booliiska, waxaana kulankan looga arrinsanayay amni daradda caasimadda ka jirta iyo arrimo kale.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Masuuliyiintan ayaa kulankooda diirada ku saaray arrimaha amniga caasimadda , La-dagaalanka maan-dooriyaha iyo falalka anshax darada ah ee soo kordhiyeen qaar kamid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed  ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda.

Kulanka ayaa inta uu socday masuuliyiinta isla soo qaadeen sida ugu macquulsan ee loo xoojin karo ammaanka caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa maan-dooriyaha iyo falalka kale ee anshaxo ee kusoo badanaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -