Xildhibaan loo diiday inuu ka hadlo fadhigii Baarlamanka ee maanta & sababta ka dambeysa

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir guddoominayay kullanka manta oo 144 xildhibaan ay soo xaadireen, waxaana loo qeybiyay warbixin ku saabsaneyd dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u aqriyay warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka Golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameynayaan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday iney talooyinkooda ku biiriyaan dib u eegista lagu sameynayo xeer hoosaadka Golaha.

Kulankii Maanta ayaa waxaa hadalo ka jeediyey xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoo ajendaha uu ahaa xeer hoosaadka golaha balse xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka ayaa laga hor-istaagay inuu ka hadlo dilalkii ka dhacay Magalada muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Camar Dalxa oo dalbaday inuu ka hadlo kulanka ayaa ku bilaabay hadalkiisa dilalkii u dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho, balse waxaa u diiday guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaan Dalxa oo doonayey inuu ka hadlo dilka nin ka soo jeedo beesha Jareerweyne oo la gubay ayaa sheegay in Isbuucii la soo dhaafay ay dhaceen fal-dambiyeedyo aad runtii u xanuun badan oo diinta islaamka khilaafsan

Hase ahaatee intii aanu hadalkiisa sii guda gelin ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Dalxa ka joojiyey hadalka isagoo ku wargeliyey in Ajandaha ku saabsan Amniga muddo Saddex maalin ah laga hadlayay, isla markaana haduusan wax kale heynin uu kursigiisa ku laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -