Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo ay diyaarisay Al-Shabaab oo la fashiliyey (Sawirro)

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland oo maalmihii la Soo dhaafay  Hawl-galo qorshaysan kawaday Deegaano hoosyimaada Dagmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ayaa fashiliyay tiro miinooyin ah oo la geliyey jidadka

How-galkan oo ahaa mid qorshaysan Isla markaana lagu beegsanayay goobo ay ku sugnaayeen al shabaab ayaa khasaare naf iyo maalba leh lagu gaarsiiyay kooxda sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa soo saaray miinooyinka qaar, halka kuwo kalena ay ku qarxiyeen goobihii lagu aasay, lama sheegin waxyeelo ama khasaare ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa weli ku sugan degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka halkaasoo ay kula dagaalamayaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowlada Somalia oo taageero ka helaya kuwa ATMIS.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Dab xooggan oo goor dhow qabsaday Garaash ku yaalla agagaarka KM4 (Sawirro)

Caydiid Ali

Wabiga Shabelle oo ku fatahay magaalada Baladweyne iyo cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade

Shiinaha oo si weyn uga carooday wafdi Somaliland u dirtay Caleemo saar ka dhacay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---