Faahfaahino ka soo baxaya qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Waxaa soo baxaya Fahafaahino ku saabsan Labo qarax oo galabta casar gaabkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska dabka ee wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxyadan ayaa yimid ka dib markii Labo gaari oo la sheegay in qaraxyo lagu soo xiray ay ku qarxeen meelo isku dhow sida dad goob joogayaal ay ay sheegayaan.

Gaariga koowaad ayaa ku qarxay isgoyska dabka halka kan labaadna daqiiqado yar ka dib qaraxiisa laga maqlay agagaarka xaruntii hore ee boostada oo ku taalla wadada ka leexata dabka ee u baxda isgoyska Bakaaraha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya mid ka mid ah gaadiidka qarxay uu ku dhintay Cumar Shiikh Caamir oo la dhashay aqoonyahan wax ka dhiga jaamacad ku taalla Muqdisho oo la yiraahdo Prof. Yaxye Shiikh Caamir.

Warar kale ayaa sheegaya in Cumar Shiikh Caamir ay la dhinteen dad kale oo la socday gaariga oo dab xoog leh uu qabsaday markii uu qarxay ka dib, waxaana ku dhaawacmay dad goobta marayey oo uu ku jiray askari ku sugnaa isgoyska dabka.

Gaariga labaad oo ku qarxay jidcadde aan aan ka fogeyn isgoyska Dabka ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada, mana jirin xiliga uu qarxayey cid la socotay, wuxuuna ku baarkinaa dhisme halkaas ku yaala hortiisa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -