Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweenay Mar kaliya umushay labo Wiil iyo Saddex gabdhood (Daawo Sawirro)

Haweenay u dhalatay dalka Uganda ayaa hal mar dhashay shan carruur ah, Saddex gabdhood iyo laba wiil sida lagu sheegay Wargeyska Daily Monitor.

“Ma filaynin in ilmaha calooshayda ku jiray ay ahaayeen shan carruur ah, mar aan horay isbitaalka u tagay waxa uu dhakhtarka ii sheegay inaan mataano wado,” ayey tiri Sofiat Mutesi.

Maureen Babine, waa umulisada Sofiat Mutesi waxa ayna sheegtay in xaaladda carruurta ay aad u wanaagsan tahay.

“Muddadii aan isbitaalka ka shaqeynayay ma arag qof dhalay shan carruur ah, ilmaha si wada jir ah ayey u dhasheen.” ayey tiri umulisadda.

Sofiat Mutesi, ayaa ka soo jeeda tuulada Nawaikoke ee bariga Uganda, waxay horay u dhashay mataano iyo saddex carruur ah oo ay hal mar dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Eedeysaneyal si lama filaan ah loogu dhex dilay Maxkamadda Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Ubax xasuuseed dhigay Taallada SYL (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Mashruuc dhismo ka dhagax dhigay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---