Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo maanta lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Degmada Doolow ee gobolka Gedo lagu soo bandhigay sargaal la sheegay in uu katirsanaa Xarakada Al Shabaab una qaabilsanaa kooxdaasi dhinaca howlgalada iyo uuurinta Sakada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Abdirahman Omar Osman  ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Jubbaland uu isku soo dhiibay  Aadan Ibraahim oo kamid ah Saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Gedo kana faa’iideesay cafis uu fidiyay Madaxweynaha.

Sargaalkan maanta soo bandhigeen Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo tago Al Shabaab iskuna soo dhiibo ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Degmada Doolow.

Aadan Ibraahin ayaa sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab dhaxdooda uu hada soo kala dhax galay kala shaki ,waxa uuna xusay in uu u dulqaadan waayay dhibaato uu shegay in Al Shabaab ku hayaan dadka shacabka sidaana uga soo tagay.

Al Shabaab ayaan ka hadlin sargaalkan la sheegay in uu kasoo goostay, waxaana soo bandhigida sargaalkan ay kusoo aadeysa xili dhawaan xubno kale oo kasoo goostay Al Shabaab lagu soo bandhigay Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -