Allbanaadir.com
NEWS

Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan ayaa caawa fiidkii gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu tuhmayo in uu katirsan yahay dagaalyahannada Al Shabaab.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan ciidamada ka shakiyeen ,kaddib markii uu dhowr mar kusoo noq noqday bar-koonatrool oo ciidamada booliiska ku leeyihiin isgooska Albaraka.

”Ciidanka booliiska gaar ahaan qeybta Waliyoow Cadde ayaa caawa gacanta kusoo dhigay nin lagu tuhmay inuu ka tirsanyahay ururka Alshabaab. Eedeysanaha oo dhowr jeer kusoo noq noqday barkontorool ay ciidanku ku leeyihiin agagaarka isgoyska Albarako ayey si feejigan u qabteen, waxaana la marsiin hab-raaca baaris ee sharcigu jideeyay hadduu alle idmo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlagalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxa ayna ciidamada howlgalo kala duwan ay fuliyeen ku qabteen burcad hubeesan iyo kooxo dilal iyo dhaawac geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hirshabelle oo shaacisay doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka !!

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wasiiradda Waxbarashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Gudoomiyihii Maxkamada gobolka Sh/hoose oo toorey lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---